Muhimadda Midnimada Qoyska Muslimka ah iyo Ka Hortagga Kala-daadashadadiisa
W/Q: Sh. Cabdullahi Xaashi
Hordhac
Qoyska waa tiirka ugu muhiimsan ee bulshada dhisaya, gaar ahaan diinta Islaamka oo si gaar ah u xustay muhiimadda qoyska. Laakiin qoyska Muslimka ee Waqooyiga Ameerika wuxuu wajahayaa caqabado badan oo halis gelin kara midnimadiisa iyo hannaanka diinta Islaamka. Sidaas darteed, ilaalinta midnimada qoyska Muslimka waa lagama maarmaan si loo ilaaliyo diinta, dhaqanka, iyo aqoonsiga jiilka soo kacaya.
1. Qoyska (Qeexid)
• Qoyska waa xiriir sharci ah oo ku saleysan guur.
• Waxay leedahay masuuliyado iskaashi ah oo u dhexeeya lamaanaha iyo carruurta.
• Waa goobta ugu horreysa ee lagu barbaarinayo diinta, afka hooyo, iyo akhlaaqda Islaamka.
Allah wuxuu yiri:
Allah wuxuu yiri:
“Kuwa xaqa rumeeyeyow, naftiinna iyo ehelkiinna ka dhawra naarta…”
(At-Tahriim: 6)
2. Caqabadaha Qoyska Muslimka ee Waqooyiga Ameerika
1. Kalsooni la’aanta Dhaqanka -Dhaqan kale oo dhiirrigeliya kelinimada, xiriirka guurka ka baxsan, iwm.
2. Saamaynta Warbaahinta iyo Waxbarashada – Farriimo ka hor imaanaya qiyamka Islaamka sida khaniisnimada, fuxshiga, iyo ku talaxtaga baraha buldhada
3. Mashquulka Nolosha Casriga ah – Waqti yar oo qoysku wada qaato, taasoo keenta kala fogaansho.
4. Hoos u Dhaca Aqoonsiga Diineed – Jiilka cusub wuxuu la kulmaa jahwareer aqoonsi.
5. Is dhexgalka iyo Xiriirrada aan La Xakameyn – Tanaasul ku yimaada kalsoonida lamaanaha iyo tarbiyadda carruurta.
3. Saameynta Ka Dhalata Kala-daadashada Qoyska
• Dhalinyaro si xun u dhaqma ama diinta ka leexda.
• Luminta afka hooyo iyo aqoonsiga Muslimka.
• Akhlaaq xumo ka dhex dhalata jiilka labaad iyo saddexaad.
• Kordhinta tirada furriinka iyo kalinimada.
• Daciifnimo ku timaadda bulshada Muslimka ee deegaanka.
4. Hababka Lagu Xoojin Karo Qoyska Muslimka
1. Ku dhegganaanta Shareecada Islaamka – Qur’aanka iyo Sunnada ha noqdaan hagaha qoyska.
2. Tarbiyadda Islaamiga ah ee Guriga – Baridda salaadda, Qur’aanka, iyo akhlaaqda carruurta.
3. Ka Qaybgalka Hawlaha Diiniga ah – Masaajidda, iskuullada Islaamiga ah, xerooyinka diinta.
4. Wadahadal Qoyska ah – Isfaham iyo xallinta caqabadaha si caqliyeysan.
5. Doorashada lamaane Diin leh – Is-fahamka akhlaaqda iyo diinta wuxuu xoojiyaa xiriirka.
6. Ka Faa’iidaysiga La-taliye Diini ah ama Hay’ad Islaami ah – Xallinta mushkiladaha si xirfadeysan.
Gabagabo
Midnimada qoyska Muslimka ah ee Waqooyiga Ameerika waa tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhisi karo bulsho Muslim ah oo adkaysi leh. Qoys burbursan ma dhaliyo jiil diintiisa yaqaan, dhaqankiisana ilaaliya. Sidaas darteed, waxaa lama huraan ah in la xoojiyo qoysaska si jiilasha mustaqbalka u noqdaan kuwo leh aqoonsi, diin, iyo karti ay kula jaanqaadaan dunida casriga ah